allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

TALISKA MAREYKANKA AFRICOM oo Shaaciyay in mar keliya amarka Farmaajo weeraro lagu fuliyay, waa goormaa markaas?

Waxaa soo noq noqotay sheekada inta badan ay faafiyan Villa Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta ee ah marka Mareykanka howlgalo ka fuliyaan Soomaaliya in amarka howlgaladaas uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo.
Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yarsiiow iyo xafiiska Madaxtooyada ayaa mararka qaarkood adeegsaday ereya “ogolaaday”, waxayse inta badan jecel yihiin inay baahiyaan Amar uu madaxweyne Farmaajo ku bixiyay weerar lagu dilay hoggaamiye Alshabaab ah.

Wararkan soo noqnoqday ayay caddaatay inay yihiin been abuur (Fake News) kadib markii Mareykanka uu shaaciyay xaqiiqada weerarrada Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya iyo doorka madaxweynaha Soomaaliya ku leeyahay.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee soo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ogolaaday fulinta howlgallada Mareykanka Bishii Maarso 2017. Taasoo caddeyn u ah in ogolaashaha Farmaajo uu dhacay mar kaliya ee aanay jirin wararka dowladu faafiso markii howlgal dhacaba in amarkiisa uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya


War-saxaafadeedka xalay kasoo baxay taliska AFRICOM ee wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa u muuqday inuu jawaab u ahaa warka ay baahiyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta ee ah in Madaxweyne Farmaajo amray howgalkii ugu danbeeyay ee shalay ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo la sheegay in lagu dilay xubin sare oo katirsan Alshabaab.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented