allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, Qarax ayaa ahaa is-miidaamin oo qof isku soo xiray Suunka waxyaabaha qarxa uu iridka Xabsiga isku miidaamiyay, iyadoo qasaare la soo werinayo.

Wararkii ugu horeeyay ee kasoo baxa qaraxan ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Askari ka tirsan ilaalada taliyaha Asluubta ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday.

Xiliga uu qaraxa dhacay ayaa lagu jiray Saalada Jimcaha ee Khubadda, waxaana uu ka dhcaay meel u dhow masjidka Xabsiga oo la sheegay inay ku tukan jireen madax ka tirsan taliska ciidamada asluubta iyo maxkamadaha islamarkana ay halkaasi ku dukanayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented