allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Miyuu wali noolyahay Rooboow?

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu dib ula wareegay deegaanka Abal, kaddib markii weerar rogaal celin ah uu ku qaaday Al-Shabaab.

Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu nool yahay, xaaladiisana wanaagsan tahay, isagoo xusay inuu iska difaacay weerar lagu soo qaaday deegaankii uu ku sugnaa.

“Anaga ku xaqiijinaya Abuu mansuur waa nool yahay, wuuna wanaagsna yahay, illaa iyo hadana wuu iska difaacay weerarkii lagu soo qaaday”ayuu yiri Maxamed Xasan Fiqi.

Mr Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay afar jiho ka weerareen deegaanka uu ku sugnaa, gaar ahaan ciidamo badan ay ka soo weerareen dhanka Gedo, waddooyin ka yimaada Bakool, dhanka Hiiraan iyo waddooyin ka yimaada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in markii hore uu dib uga gurtay deegaankii uu ku sugnaa, isla markaana weerar rogaal celis kaddib uu Abuu mansuur ka difaacday saldhigiisa sida uu hadalka u dhigay.

Kusimaha Madaxweyne kuxigeenka Koofur galbeed ayaa sheegay in gurmad ciidan ay u direen deegaanka uu ku sugan yahay Al-Shababa, si ay uga xiraan jidadka gurmadka uga imaanaya Al-Shabaab.

“Dadaalada ciidamada qorsheeyeen ayaa waxaa ka mid ah in gurmad u fidinay, waxaa dooneynaa in aan nimaanka Shababa gurmad u imaan oo aan waddooyinka ka xirno”ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab laga gubay shan gaari dagaal, halka Abuu mansuur laga gubay hal gaari dagaal, sida ay xogta ku heleen, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhimashada labada dhinac ay ka badna tahay 20 ruux.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa koofur galbeed ay wax kasta oo u furan sameynayaan, si ay dagaalka uga qeyb qaataan, una difaacaan Abuu Mansuur sida uu yiri.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 10 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented