allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Fahad Yaasiin oo ku amray Wasiirada iyo Hey’adaha dowladda inay ka guuraan dhismayaasha Madaxtooyada

Warqad uu soo saaray Agaasimaha ayuu ku wargeliyay dadka degan Madaxtooyada oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dad kale oo martida dowladda ka mid ah inay ka guuraan dhismaha Madaxtooyada, si loo dhiso.

Agaasimaha ayaa si gaar ah arrintan u ogeysiiyay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo Abaanduulaha Ilaalada oo lahaan doona fulinta iyo dhaqan gelinta amarka marka uu dhamaado mudada 14-ka maalmood.

Tallaabadan ayaa ka dhigan mid meesha ka saari karta Mas’uuliyiinta iyo hey’adda dowladda in wixii hada ka dambeeya aysan sii degenaan doonin xeyndaabka Madaxtooyada, oo ah meel ammaankeeda aad loo adkeeyay, inta badan Mas’uuliyiinta dowladda u ah gabaad.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo horay ay u dayactirtay Dowladda Imaaraadka Carabta xilligii dowladdii Xasan Sheekh ayaa la ogeyn dayactirkan cusub waxa uu soo kordhinayo, waxaana laga cabsi qabaa in amarkan ay ku hoos jiraan arrimo kale.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 10 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented