allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Wariye Axmed Kismaayo oo ku geeryooday dalka India

Allaha u naxariistee Wariye Ahmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo), ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla dalka India.

Marxumka, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu xaalad caafimaad uu u joogay Magaalladda Nairobi iyadoo laba todobaad ka hor uu tagay dalka India.

Axmed Kismayo ayaa la xaqiijiyay saaka aroortii inuu u geeriyooday xaaladii dhanka caafimaadka aheyd ee haysatay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan ehelada Marxuumka.

Wariyaha ayaa waxaa mudo aad u badan uu lasoo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Dhinaca kale Axmed wuxuu ka mid ahaa Wariyayaashii Wasaaradda Warfaafinta ee Dowaldii Somaliya, markii bur burku uu dhacay wuxuu ka mid noqday aasaasaayaashii Warbaahinta Puntland, waxaana uu billaabay soo saarista Wargeys madax banaan.

Suxufiyiinta Soomaaliyed ayaa u diray qoyska Marxuumka tacsi, waxaana Alle ay uga baryeen in Janadii Fardowso uu ka waraabiyo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 9 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented