allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Muuqaal: Beesha Murusade oo diyo 90 kun oo Dollar ka bixisay dilki loo geystay Xoghayihii Maxkamada sare

Ka dib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaal iyo Waxgaradka ayaa waxay heshiis ka gaareen dil magaalada Muqdisho loogu geystay Xoghayihii Maxkamada sare ee dalka Marxuum Mursal Aw-Cumar Cusmaan.
Odayaasha ayaa sheegay in labada reer kan wax dilay iyo midka la dilay ay ku heshiiyeen iney diyo kala qataan ka dib wada hadalo mudo u socday.

Xuseen Nuur Xeyle oo ah adeerka shaqsiga dilka geystay ayaa mag dhan sagaashan kun oo dollar (90,000) ku wareejiyay Saciid Aw-Cumar Cusmaan oo ah Walaalka Marxuumka la dilay.

Aabaha Marxuumka la dilay Aw-Cumar Cusmaan oo ku sugan magaalada Burco ayaa u soo wakiishay Wiilkiisa Saciid Aw-cumar Cusmaan inuu soo qaado Magta la kala qaadanayo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 8 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented