allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAB XALAY KA KACAY SUUQA BAKAARAHA

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dab xalay saqdii dhexe ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo waxyaabaha sababay dabka.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay dhismayaal lagu iibiyo kabaha, waxaana loo maleynayaa in dabka uu sababay cilad koronto.

Halka uu dabka ka kacay ayaa u dhow Suuqa Daawada, waxaana la sheegay dhismayaasha uu dabka ka kacau uu gebi ahaanba baabi’iyay.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha hantiyadeed ee uu saameeyay dabkaas, waxaana mar dambe lagu guuleystay in la damiyo, inta aanu ku fidin dhismayaal hor leh.

Dhowr jeer ayaa Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka kacay Dab, iyadoo sanadkan gudihiisa uu muddo saddex jeer uu dab ka kacay, waxaana sababaha uu dabka ugu soo noq noqdo Suuqa la sheegay hanaanka uu u dhisan yahay suuqa oo dhismayaasha suuqa ay aad isugu dhow yihiin, taasoo mar kasta oo dab uu kaco ay adag tahay in laga hortago.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 8 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented