allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal

Loolankii adkaa ee Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu kala baxay, Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ku guuleystay loolan adag oo uu la galay C/raxmaan Maxamed Maxamuud(Faroole) markii uu helay 6 cod oo ka mida 10-ka cod ee guddigan.

C/raxmaan Faroole oo si weyn loogu saadaalinayay xilkan ayaa ku fashimay inuu loo doorto guddoomiyaha Guddigan oo loo arko mid muhiim ah oo isha lagu wada hayay.

Guuldarrada Faroole ayaa daba joogta doorashadii guddoomiye ku xigeenka koowaad Golaha sare oo siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda ay ku soo bixi waayeen, kadibna ay isugu soo hareen laba musharax oo kasoo jeeda Galmudug.
Xogta laga helayo Guddigan ayaa sheegaya in fashilka Faroole ay saldhig u ahayd olole ka dhab ah Faroole oo guddiga dhexdiisa ay ka sameeyeen madaxda Aqalka sare.

XUBNAHA GUDDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA WAXAY KALA YIHIIN:

Sen. C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole)
Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid

Sen. Xuseen Sheekh Maxamud
Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan
Sen. Iftiin Xasan Imaan.
Cismaan Xaaji Cali
Maxamed Cabdillahi Kaamil
C/Rashiid Maxamed Xasan
Burhaan Aadan Cumar
Axmed Abdul Ruush

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 7 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented