allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FAHAD YAASIIN oo Kheyre ka hor joogsaday in Taliyaha Boliiska Xilka laga qaado, Saacid iyo Fahad Yaasiin oo dhinaca Hooyada qaraabo ka ah

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji ayaa la sheegay inuu dhexda ka qabtay qorshe lagu doonayay in xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed xilli Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku fashilmay inuu ka dhabeeyo qorshe uu damacsanaa inuu xilka kaga qaado Taliyaha Boliiska.
Agaasimaha Madaxtooyada oo la sheegay inay qaraabo yihiin dhinaca hooyada ah yihiin Taliyaha Booliska, isaguna uu ka dambeeyay in xilkan loo magacaabo ayaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qanciyay inuu ka baaqsado wax tallaabo ah oo laga qaado xilligan.

Qorshahan ayaa ka dambeeyay markii agaasimaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe uu dacwad ka gudbiyay Taliyaha Booliska C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) oo ku saabsan inuu ka gaabiyay la shaqeynta NISA, isla markaana waxba ka qaban waayay howlgallo lagu ballamay oo uu mas’uul ka ahaa.

Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Taliyaha NISA Sanbalooshe oo wada socday ayaa haatan waxay u muuqdan inay ku fashilmeen qorshihii xilka looga qaadi lahaa Gen Saacid.

Dhinaca kale waxaa Taliye Saacid ku soo baxday fadeexo ku saabsan inuu isku dayay is daba marin mushaarka ciidamada Booliska, taasoo keentay in laga wareejiyo maamulka arrimaha mushaarka ciidamada Booliska.

Taliye Saacid ayaa arrintan kadib la arkay isagoo dhaqdhaqaaq lasoo baxay oo howlo samafal bilaabay, isla markaana xoojiyay ka dhex muuqashada shirarka dowladda iyo xafladaha.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 17 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented