allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

XASAN KHEYRE IYO SHARMA’ARKE oo iibinaya Kheyraadka Soomaaliya, Jalaafo Siyaasadeed oo loo dhigaya Farmaajo

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo horey u iibiyey badda Soomaaliya, ayaa hadda wada dadaal uu mar kale ku iibinayo madaxbanaanida iyo sharafta dal ee Soomaaliya isaga oo kaashanaya koox uu hormuud u yahay.

Sharmaarke ayaa hogaaminaya koox ku xiran Imaaraadka Carabta, oo qorshahoodu yahay in dowladda Soomaaliya lagu qabso inay taageerto xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xiriirka loo jaro Qatar.

Cumar Cabdirashiid ma qarsan taageerada uu u hayo Imaaraadka, waxaana Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, uu Sharmaarke, oo hadda ka tirsan aqalka sare, ku sheegay in danta Soomaaliya ay ku jirto inay la safato dalalka Scauudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar, oo ay xiriirka u jartao Qatar.

Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo cadaadiskii ay saareeyn Qatar uu guuleysan waayey, ayaa u arka taageerada Soomaaliya mid dhaawac xooggan gaarsiin karta Qatar, sababta oo ah hawada Soomaaliya oo ah tan ugu muhiimsan ay Qatar ay adeegsato, kadib markii dalalkaas ay hawadooda ka xirteen.
Kooxdan waxaa ku jira, Cabdi Weli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xasan, Mahad Cawad, Jawaari, Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano oo kale oo badan. Kheyre oo ah ra’iisul wasaare, ayaa markii horeba qabay in la taageero xulufada Sacuudiga, hase yeeshee waa ku gacan seeray madaxweynaha.

Qorshaha koxodan ayaa ah in dowladda federaalka labada dhinac cadaadis laga saaro oo kala ah dhinaca maamul goboleedyada iyo xildhibaanada, ayada oo lacag badan arrintan loo adeegsanayo, waxaana la doonayaa in la soo saaro go’aan baarlaman oo lagu taageerayo Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Haddii qorshaha kooxda guuleysto, oo Soomaaliya lagu qasbo go’aan aysan raali ka ahayn, waxay taasi ka dhigeysaa inaysan ahayn dal madax banaan oo go’aanadiisa ku qaadan kara sida uu u arko inay dan ugu jirto, waana in laga hortagaa in kooxdan cusub ay iibiyaan madaxbanaanida Soomaaliya iyo sharafteeda.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 16 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented