allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

RA’IISAL WASAARE XASAN KHEYRE oo ka been sheegay Kororka Dhaqaalaha dalka

Korarka dhaqaale ee 90% ee horey xukuumadda ra’iisul wasarae Xasan Cali Kheyre ay ugu faantay ayaa noqday mid aan jirin oo been ah, kadib markii wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducyele Beyle uu ka laabtay markii uu shalay hortagey baarlamanka Soomaaliya.

Wasiirka oo shalay hortagey baarlamanka ayaa wax laga weydiiyey miisaaniyadda dowladda, hase yeeshee waxa uu aad uga niyad jabay in dowladda aysan haysan dhaqaale badan, islamarkaana dakhliga gudaha aanu ku filneyn, dalal badanna aysan bixin lacag ay u ballan-qaadeen.

Beyle oo markaas kadib la weydiiyey inuu horey u sheegay in dakhliga dowladda kasoo gala garoonka iyo dekedda Muqdisho uu kordhay 90%, ayaa sheegay in arrintaas ay tahay mid aan waxba ka jirin.

“Markii aan sidaas lahaa, shaqada ayaan ku cusbaa, oo farxadda ayaa iga badatay, si wanaagsanna uma eegin xaqiiqda, mana jiro koror dakhli oo ah 90%” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiray koror dakhli, balse uu ahaa mid xiliyeed oo la xiriiray ganacsiga oo sare u kacay bishii ramadaan iyo ciidii, oo alaab badan la keenay Muqdisho.

Arrintan ayaa muujineysa fudeed iyo mas’uuliyad darro ay dowladda cusub ku caan baxday, ayada oo markii uu wasiirka uu sheegay kororka dhaqaale ee 90% ay aad uga farxeen Soomaali badan, waxaase hadda muuqata inay ahayd been shacabka lagu qalday.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 16 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented