allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

RA´IISAL WASAARE KHEYRE oo labo dariiq ku qancinaya Xildhibaanada mucaaradsan Xukuumaddiisa

Qaar ka tirsan Xildhibaanada dowladda Soomaaliya ayaa waday ololo ay isugu diyaarinayeen mooshin laga keenayo xukuumadda Kheyre marka uu furmo kala fadhiga koowaad ee Baarlamaanka, waxaana hadda soo baxayo warar kala duwan oo arrintaas ku saabsan.

Newsomali oo xiriir hoose la sameysay qaar ka tirsan Xildhibanada Dowladda Soomaaliya ayaa heshay xog ku saabsan in Xildhibaanadii waday mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumadda Kheyre hadda la qanciyey isla markaasna loo sameeyey ballan qaad.

Wararka ayaa tilmaamayo in dowladda Soomaaliya ay sameysay dadaal dheer oo ay uga hortageyso arrintaas, waxaana la kala qeybiyey xildhibaanadii mooshinka waday oo ahaa ku dhawaad 130 Xildhibaan, waxaa qaar lagu xaliyey lacag loo ballan qaaday halka kuwa kalana lagu qanciyey in isku shaandheyn lagu sameyn doono golaha Wasiirada.

Xildhibaanada Mooshinka waday ayaa Ra’isulwasaare Kheyre cadaadis ku saaray inuu isku shaadheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada, maadaama uu arrintaas u ballan qaaday xilligii uu codka kalsoonida u raadinayey golihiisa wasiirada.
Midda cadaadiska ku badisay Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ah markii ay Xildhibaano dhawr ah ku dhawaaqeen madal ay ugu magac dareyn (HORUSOCOD), waxayna midaas geysinimo siisay xildhibaano kale oo doonayey inay kasoo muuqdaan golaha Wasiirada.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga fadhiyaa qaabka uu uga badbaadi karo cadaadiska saaran, welina si rasmi ah looma ogaan go’aankiisa ku aadan xildhibaanadaan ku qasbayo inuu isku shaandheyn sameeyo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 15 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented