allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO IYO XASAN KHEYRE OO DHABARKA IS XIJIN DOONAAN

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxaa uu xiriir hoose ama isbaheysi la noqday Maamul Goboleedyada taageersan aragtida Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana la soo sheegaya in Kheyre dhabarka ka toogan doono xilli dhow Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo fahamsan dhaqdhaqaaqa Kheyre ayaa isna ka sii fikiraya haddii soo shaaca baxo qorshaha kheyre cida uu ka dhigi doono Ra’iisal Wasaare.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Kheyre jambal u dhigay Farmaajo kuna war geliyay in Jaamac Maxamed Qaalib Diyaar u yahay in loo magacabo guddiga taakuleynta Ciidamada, taaso oo sababtay in Jaamaca Maxamed Qaalib iska casilo xil Farmaajo u magacabay.

2 maalin ka hor inta aan lagu dhawaaqin guddigas ayaa Kheyre la kulmay Jaamaca Maxamed Qaalib wuxuuna ku war geliyay in xilkaas loo magacabi doona hase yeeshe Jaamaca Maxamed Qaalib wuxuu yiri ma qaban karo xilkaas, hase yeeshe Kheyre ayaa been u sheegay Madaxweynihiisa kuna yiri Jaamaca Maxamed Qaalib waa diyaar u magacaw.

Sidoo kale Kheyre ayaa si uu isbaheysi ula noqdo Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa uu sameeyay in Shirka Golaha Wasiirada inuu ka dhaco Kismaayo ma uusan ogeyn Madaxweynuhu saacadihii dambe ayaa lagu soo wargeliyay,waxaana ka baxay qarash aad u fara badan, waxaana la soo sheegaya in Farmaajo arrimahan ka careysan yahay.

Haddii Baarlamaanka mooshin ka keeno Kheyre waxaa la soo sheegaya in Madaxweynuhu ku fiirsan doono arrintaas sababta oo ah Madaxweynuhu wuxuu u arkay Kheyre inuu yahay nin talaabo dheereynaya.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa arrimaha Imaaraadka Carabta waxaa uga wakiil ah saaxiibkiisa hore Ex Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxaana u socda wada xaajoodyo lagu jalaafayn doona Madaxweyne Farmaajo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 15 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented