allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Dalxiisayaal u dhashay Jarmalka oo lagu dilay Masar

Labo haween dalxiisayaal ahaa oo dalka Jarmalka u dhashay ayaa toorrey lagu dilay hoteel ku yaalla xeebta Hurghada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Hurghada waxay caan ku tahay dalxiiska

Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa lagu dhaawacay nin arrintaasi looga shakisan yahay ayaana la xiray.

Eedeysanahan ayaa waxaa su`aalo weydiinaya booliiska si ay u ogaadaan wuxuu damacsanaa, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi.

Ninkan ku hubeysnaa toorreyda ayaa dilay labada haween ka hor inta uusan hoteelka Zahabiya ku dhaawicin labo kale oo dalxiisayaal ahaa.

Kadibna wuxuu u dabaashay xeeb u dhoweyd wuxuuna weeraray dhaawacna u geystay labo qof oo kale oo ku sugnaa hoteelka Sunny Days El Palacio resort, kahor inta aysan xirin shaqaalihii goobtaasi ku sugnaa.

Sababta ninkan weerarka soo qaaday uu sidaasi u sameeyay ayaa weli la baarayaa, sida uu wasiirku sheegay.

Saddex dalxiisayaal ajnabi ah ayaa lagu tooryeeyay iska hoteelkaasi, bishii January sanadkii 2016, weerarkaas oo ay fuliyeen labo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen kooxda isku magacwday Dowladda Islaamigaah.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 15 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented