allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

RA’IISAL WASAARE KHEYRE oo Fursad u helay inuu ka nasto Mowjadaha Siyaasadeed iyo qaabilaada faraha badan ee Magaalada Muqdisho, Banaanka Kismaayo ayuu u damaashad tagay si naftiisa uga mashquuliyo welwelka Siyaasada, Daawo Sawirada

Buuq, kulamo badan, muran Siyaasadeed iyo wehel ku haystay Magaalada Muqdisho ayuu banaanka Magaalada Kismaayo kaga nasanayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Xasan Cali Khayre iyo xubnaha golaha Wasiirada ee ku weheliyey safarkiisa Magaalada Kismaayo.

Inta uu Muqdisho ku sugnaa waxaa loo diiday nasasho xataa ma awoodi karo inuu xaaskiisa ama caruurta waqti la qaato maadama shaqada xafiiska Magaalada Muqdisho waqti cayiman uusan lahayn, sida caadada u tahay Madaxda waxay 24 saac si kala joogsi lahayn ugu jiraan kulmao siyaasadeed iyo qaabilaad aan wax micno ku fadhin balse isaga yareynayo mushkiladaha siyaasadeed ee beelaha ka soo wajaha.

Inta uu ku maqan yahay Magaalada Kismaayo Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxaa uu helayaa nafis siyaasadeed, wuxuuna fursad u helayaa inuu maskaxdiisa la tashado hase yeeshe maalinta beri marka uu ku soo laabto Magaalada Muqdisho waxaa uu wajahayaa mowjado Siyaasadeed oo uga imaanaya gudaha labada aqal iyo banaanka xafiiskiisa.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 14 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented