allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Shirka gollaha wasiirada DF Soomaaliya oo ka furmaya maanta magaalada Kismaayo

Shirkii todobaadlaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay lagu wadaa maanta in uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamul gobolleedka Jubbaland.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa maalintii shalay gaaray Kismaayo, halkaa oo siweyn loogu soo dhaweeyay, waxaaana la filayaa in maanta ra’iisal wasaaraha uu shir guddoomiyo kulanka golaha wasiirada ku yeelanayaan Kismaayo.

“Booqashadeena Kismaayo waxaaa ay muujineysaa midnimo iyo in dawladda ay diyaar u tahay shacabkeedu in uu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka golaha wasiirada oo uu muujinaya sida ay nooga go’an tahay in hoos loo eego deeganada iyo dawlad gobolleedyada”ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa marar kala duwan ku dhaliilay dowladda Soomaaliya howlaheeda shaqso ku soo koobatay caasimada Muqdisho, halkii loo baahnaa ayuu yiri dowladnimadu noqoto mid fur furan oo dalka oo dhan ku baahda.

Magaalada Kismaayo ayaa u muuqata mid la ciir-ciireysa wafuud kala gadisan, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 13 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented