allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ra’iisul Wasaaraha oo ku amray Wasiiradiisa inay la kulmaan dhiggooda Jubbaland (Sawirro)

Waxaa Guriga Martida ee Kismaayo ka bilowday shirar ay leeyihiin Wasiirada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, iyadoo Wasiirada labada dhinac ay si koox koox ugu kulan san yihiin, iyagoo ka wada hadlaya howlahooda shaqo ee wasaaradahood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hor inta uusan furin shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa uu ku amray Wasiiradiisa inay la kulmaan dhiggooda Jubbaland, taasoo ah arrin layaab oo uu iskula meel dhigay Wasiiradii Qaranka iyo kuwii maamul goboleedyada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan uu hordhaca uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah uu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulanka goob joog ka ah, wuxuuna soo dhoweeyay in kulan ay wada qaataan Wasiirada labada dhinac,

Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, si loo dar dar geliyo shaqada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 13 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented