allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

TALIYAHA BOLIISKA SOOMAALIYED oo Fadeexado dumar iyo askar shaqada laga eriyay lugaha la galay

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha la doonaayo in xilka looga qaado Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid).

Fulinta Qorshahaani ayaa waxaa iminka la xaqiijiyay inay ku howlan yihiin guddi loo xilsaaray baaritaan lagu sameynaayo Gen. Saacid oo lagu helay kiisas dhowr ah oo meel uga dhacaaya Sharafka Taliska Booliska.

Kiisaska ugu culus ee baaritaanka lagu hayo ayaa waxaa kamid ah in mudada uu xilka hayo uu shaqada ka eryay Askar ka badan 370 kuwaas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta loo eryay.

Waxaa sidoo kale, jira xadgudub dhanka Mushaarka ah oo uu ku sameeyay ciidamada dowlada, iyadoo markii su’aal laga weydiiyay sheegay inuu bixiyay mushaaradkaasi, balse aanu gaarin ciidamada Qaranka.
Guddiga iminka ku howlan baaritaanka socda ayaa waxaa lagu wadaa inay soo saaran warbixino cad oo ifin karta dacwadaha loo heysto Gen. Saacid.

Sidoo kale, waxa jirta in Gen Saciid lagu eedeeyay ku xadgudub dumarka ka tirsan Boliiska kuwaas oo la sheegay inuu la sameeyay gogol dhaaf ama awoodka xilkiisa u adeegsanaya.

 

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 12 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented