allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirka golaha wasiirada ee Kismaayo ka furmayo

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay shirka golaha wasiirada oo maalinta beri ah kaga furmayo magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in guul ay u tahay maamulkiisa iyo Shacabka Jubbaland inay marti geliyaan shirkii ugu horeeyay oo 20 sano kadib lagu qabanayo meel ka baxsan Muqdisho oo golaha wasiirada ay yeeshaan.

Arintan ayuu ku tilmaamay inay qeyb ka tahay baahinta nidaamka dowliga ah oo la gaarsiinayo gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

“Dowladda ha socoto ha dhaq dhaqaaqo ha tagto deeganada Gobolada dalka meel walba ha tagto inay dowlad Federal tahay oo dalka dhan mataleyso ha cadeyso, Shirka Golaha Wasiirada ay yeelan lahaayeen ee ugu soo horeeyo inuu ka dhaco Magaalada Kismaayo oo marti ay noo ahaadaan waa arin farxad leh”

“Sidaasi oo kale Guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay iyagana noo yimaadaan oo Kismaayo ku shiraan ayaan ku talinayaa.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maalinta Khamiista beri ah ayaa golaha wasiirada waxay ku shirayaan markii ugu horeysay burburkii kadib meel ka baxsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 12 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented