allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

XILDHIBAANADA Al ictisaam oo Magaalada Muqdisho ka wada kulamo ka dhan ah Xukuumadda Soomaalya,Bankiga adduunka, IMF iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Kheyre ku amaanay habka ula dagaalamaya musuq maasuqa

Xildhibaano u badan kooxda Al ictisaam ee Soomaaliya ayaa wada olole ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya kadib markii Soomaaliya ay ka qaadatay muranka dowladaha Khaliijka mowqif dhexdhaxaad ah, Xilli Xukuumadda Kheyre guulo waa weyn ka gaaraysa arrimaha la dagaalanka musuq maasuqa iyo amaanka caasimadda dalka.

Ilo wareed kala duwan ayaa laga soo xigtay habeen hore mid ka mid ah Hotelada Magaalada muqdisho kulan ku yeeshan ku dhawaad 45 Xildhibaan oo dano kala duwan isku keentay kuwaas oo fadhigooda ay soo abaabuleen kooxda Al ictisaam oo ku xiran Sacuudiga.

C/qaadir Cosoble oo kooxda Al ictisaam ka tirsan ayaa la sheegay inuu ka dhex muuqday kulankan waxayna dowladda soomaaliya ku cadaadinayaan inay Sacuudiga la safato hase yeeshe Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa qaatay mowqif dhexdhaxaad ah.

Kooxda Al ictisaam iyo Xildhibaano iska waayay Golaha Wasiirada oo iskaashanaya ayaa doonaya inay mooshin ka keenaan Xukuumadda Soomaaliya oo waqti la mucaarado aysan gaarin waxayna kooxahan danaha kala duwan leh doonayan inay qalqal geliyan Xukuumadda ugu yaraan ku qasbaan inay dib ugu noqoto mowqifkeeda ka taagan tahay arrimaha Carabta iyo halka kooxda kale dano kale siyaasadeed leeyihiin.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre oo haatan 3 bilood keliya jirta ayaa lagu amaanay inay wax ka qabatay amaanka, la dagaalanka musuq maasuqa iyo inay Ciidamada Dowladda siiso mushaarkooda.

Qasnada Dowladda ayaa la sheegay inay ku jirto lacag markii hore siyaabo kala duwan loo bixin jiray, waxaana la soo sheegaya in wakiilada beesha Caalamka, Bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta IMF la dhacsan yihiin nidaamka xukuumadda Kheyre ku wado la dagaalanka musuq maasuqa.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented