allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

KASHIFAAD :FAHAD YAASIIN OO KU SUGAN DOOXA, Wadaada Ictisaam oo Cadaadis ku haaya Dowladda, Farmaajo iyo Kheyre oo kulan saacado badan qaatay dhex maray….

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin xaaji Dahir ayaa ku sugan Magaalada Dooxa ee dalka Qadar kadib markii maalintii shalay oo sabti ahayd  ka dhoofay Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in sababta Fahad Yaasiin u aaday Magaalada Dooxa ee dalka Qadar ay tahay kadib markii Dowladda Soomaaliya weysay ballan qaad dhaqaale oo Sacuudiga kol hore siiyay Madaxweyne Farmaajo, sababta u weysay dhaqaalahaas waxay tahay markii Dowladda Soomaaliya khilaafka wadamada khaliifka ka istaagtay mowqof dhexdhaxaad ah.

Fahad Yaasiin oo xiriir la leh Qadar ayaa u tagay Dooxa sidii Qadar u buuxin lahayd booskii ay baneysay dowladda Sacuudiga.

Socdaalka Qadar ku jooga Fahad Yaasiin ayaa ah mid qarsoodi ah, lamana shaacinin.

Dhinaca kale Wadaada Ictisaam ayaa ku cadaadinaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha in Dowladda Soomaaliya bedesho mowqifkooda hore ee ay ka qaatan khilaafka wadamada khaliijka, waxayna wadaadadan soo jeediyan in lala safto Sacuudiga.

Culeyska jira ayaa laga dareemay kulan Shalay oo (Axada ahayd) dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa kaas oo qaatay saacado badan waxaana diirada lagu saarayay arrimaha khaliijka.

Dowladda Soomaaliya ayaa weyn karta haddii mowqifkeeda hore ee dhexdhaxaadnimada bedesho kaalmada dhaqaale ay ka helayso Turkiga maadama Turkiga noqday wadanka raashinka iyo qudaarta geeya xilligan Magaalada Dooxa.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented