allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO oo maanta sameeyay arrin halis badan oo khatar ku ah dalka iyo dadka soomaaliyed

Faadumo Dayib oo mar ka mid noqotay Musharaxiintii Madaxweynaha Soomaaliya, balse markii dambe ka hartay Tartanka, ayaa loo magacaabay Madaxa Haweenka ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Faadumo Dayib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kula kulantay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo ka mahad celisay qaabilaada iyo soo dhoweynta uu Madaxweynuhu u sameeyay.
Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Facebook ayaa ku sheegtay inay ku faraxsan tahay la kulanka Madaxweynaha

Waxaa ay sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha iyo dowladdiisa, waxayna sheegtay inay sharaf u tahay u tahay in Madaxweynaha ku wareejiso nuqul ka mid ah qorshaha waajibaadkeyga ee Xafiiska ay madaxda ka tahay.

Xafiiska ay madaxda ka noqotay ayaa qaabilsan awood siinta Haweenka iyo sinnaanta Jinsiga, iyadoo ka shaqeyn doonto barnaamijyada Haweenka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

SINNAANTA JINSIGA, Micnaheedu waxaa waaye labada nin ama labada naag inay is guursan karaan ama Dumar iyo ragga waa siman yihiin

1975 ayaa u maleynaya markii Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqay sidnaanta ragga iyo Dumarka wixii talaabadaas ka dhashay waa mida maanta soomaaliya meesha ay taagan tahay dhigay.

Maanta 2017 mar kale ayaa Farmaajo waxaa uu galaya qaladkii uu galay adeerkiisa Maxamed Siyaad Barre mid la mid ah.
Habada Sinnaanta jinsiga waxaa waaye in labada ragg is guursanaya la siman yihiin umadda kale ama labada dumar isku galmooda bulshada kale u siman yihiin.

Sinnaanta waxaa kaloo ka mid ah ragga iyo dumarka guud ahaan inay siman yihiin taas oo si u diidaysa diinta islaamka.

Ilaahow dalkeena iyo dadkeena fidna ha ku ridin haddii madaxii qaranka maanta waxaas ku dhaqaaqan halaag ayaa ka baqaa inuu dalkeena ku xabsado ama ilaahay caradiisa.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented