allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

HAWEENAY SOMALI SWEDISH AH oo loo magacabay Agaasime kuxigeenka Villa Soomaaliya

Haweenay haysata dhalashada dalka Sweden marna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya soo noqotay ayaa loo magacabay Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaaliya waxayna kuxigeen u noqonaysa ninka awooda badan Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Madaxtooyada.

Aamina Saciid ayaa loo magacabay Agaasime kuxigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyada, iyadoo bedelay Agaasime kuxigeenkii xilkan hayay muddo labo todobaad.

Waxay u dhalatay beesha H/gidir waxayna ka sii tahay Sacad.

Magacaabideeda ma saameyneyso Agaasime kuxigeenka labaad Mr C/risaaq Shoole oo noqday ninka kaliya ee ka haray labadii Agaasime ee horay loo bedelay, waxaase ninkan la sheegaa inuu ka mid yahay shaqsiyaadka aadka ugu xooggan Madaxtooyada.

Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Aamina Saciid ayaa maanta xilka la wareegtay sida ay sheegayan wararka laga helayo Villa Soomaaliya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 17 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented