allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

AL FANAAN AXMED BIIF oo Fanka ka baxay, Fariin uu soo diray isagoo jooga Xaramka Barakeysan

Fannaanka caanka ah ee Axmed C/kariin Maxamd (Axmed Biif) ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan ka baxay Fanka, Fannaanka hore oo Cumro u jooga Xaramka barakeysay ayaa farriin uu soo diray ku sheegay inuu gebi ahaan ka baxay fanka isagoo dembi dhaaf Alle weydiisay, isla markaanna ballantan aanu ka bixi doonin.

AKHRISO FARRIINTA AXMED BIIF

“Asc dhamaan Asxaabta iyo ehelkaba aad baan idiin salamaya salaan kadib waxa la galay tobankii ramadanta ugu khayrka badna waxa kujira hal habeen oo ka khayr badan 83 sanadood walalayaal si ilaahay habeenka inoo waafajiyo laylatul qadriga aynu is cafino dhamaan ummadda muslimiinta agtayda cafis baad ka tihiin idinkuna ilaahay dartii isoo cafiya ii nasoo duceeya aniguna ka daalimaayo ducadiina maadaama aan joogo meeshii aduunka ugu khayrka badnayd EE HARAMKA MAKA ALMUKARAMA.. Waxaan kaloo idiin cadeynayaaa inaan fankii gabi ahaanba ka baxay .balan cadna aan alle lagaley inuuu danbigayga dhaafo iina naxatiisto hadii aan kabixi jirey balan aan bani adam lagaley walalayaal balantan ALLE ayaan lagaley cafis baan weydiisayaa rabbigey iyo janno cidina igama xigto yaa raxiim yaa raxmaan yaa qafuur aaamiin aamiiin Aamiiin”

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 17 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented