allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

HOOYADII DHASHAY Gabdhii ku dhintay Qaraxii habeen hore ee Pizza House oo bixisay wareysi, Dhageyso

Hooyo Sahra Macalin Cabdi oo ah hooyadada dhashey 3 gabdhood oo labo ka mid ah ah ku dhinteen, midna ay uga dhaawacantey, weerarkii Pizza House ee habeenimadii Isniinta ina soo dhaaftey ka dhacay Muqdisho oo VOA la hadashey ayaa ka warantey dareenkeeda inay weyday habeen kaliya laba caruur ay ku soo koreysey agoonimo, midna ay dhaawac la jiifto.

Hooyo Sahra Macalin waxaa ay sidoo kale nooga warantey, sida gabadhaheeda ay ugu dhinteen Weerarkaasi Alshabab ay geysteen, iyo sidoo kale hadaladii ugu dambeeyey ee ay is yiraahdeen.

Sidoo kale Waxaa VOA uga waramay sida weerarkaasi alshabab ay ugu fududaatey inay kusoo qaadaan maqaayada Pizza House mid ka mid ah milkiilayaasha maqaayadas.

Sahra Cabdi Axmed oo la hadashey dhibanayaasha iyo milkiilaha maqaayada ayaa warbixintan nooga diyaarisey.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 16 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented