allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO oo qiil u raadiyay wararka sheegaya in Madaxii hore ee al shabaab loo magacabay Sirdoonka Soomaaliya” Aniga ma dooran ee waxaa igu qasbay Dowladaha aan saaxiibka nahay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u sheegay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada in sababta Zakariya Ismail Ahmed Hersi oo ahaa Madaxii Sirdoonka amniyaadka shabaab loo magacabay inuu ka mid noqdo Saraakiisha ugu sareysa Sirdoonka Soomaaliya ay tahay dalab ka yimid qaar ka mid ah wadamada caawiya soomaaliya gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay wadamada reer galbeedka.

Zakariya Ismail Ahmed Hersi IYO FARMAAJO

Farmaajo waxaa uu sheegay in isaga rabitaankiisa ku imaan magacabista Madaxa sirdoonka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Zakariya Ismail Ahmed Hersi balse uu tixgeliyay dalalka saaxiibada la aha soomaaliya.

Arrintan markii soo shaac baxday ayaa dad badan la yaab ku dhalisay in Sirdoonka qaranka lagu aamino Zakariya Ismail Ahmed Hersi oo dad badan oo Soomaaliyed gacantiisa ku maqan yihiin.

Sirdoonka ajanabiga ee Xalane fadhigooda yahay ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe Zakariya Ismail Ahmed Hersi ku xirna isla markaana u gudbin jiray warar ku saabsan Shabaabka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Zakariya Ismail Ahmed Hersi ayaa isku meel ka soo wada jeeda taas nafteeda shaki badan ayaa abuurtay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli warka magacabista Zakariya Ismail Ahmed Hersi si rasmi ah uma shaacinin hase yeeshe xubno aad ugu dhow dowladda ayaa Newsomali.com u xaqiijiyay warkan jiritaankiisa.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 16 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented