allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

GEN GABRE oo xilkii uu ka haayay xafiiska IGAD ee Soomaaliya laga qaaday, Waa maxay sababta uu xilka looga qaaday?

Ninka Itoobiyanka ah ee saameynta ku yeeshay Siyaasadda Soomaaliya Gen Gabre ayaa laga qaaday xilkii uu ka haayay xafiiska IGAD ee Soomaaliya kadib dib u habeyn lagu sameeyay ergada IGAD u qaabilsan Soomaaliya.

Gen. Gabre ayaa la sheegay in laga qaaday xilkii uu IGAD ka hayay, gaar ahaan qeybta Soomaaliya qaabilsan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan ururka IGAD.

Warkan ayaa soo baxay markii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ee Adis ababa oo uu kaga qeyb galay shir madaxeedkii IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliya ay tan bedelkeed ku weysay in ergey Jabuutiyaan loo magacaabo wakiilka IGAD ee Soomaaliya.

Magaca Gen Gabre ayaa soo shaac baxay markii Ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya 2006 dii xilligaas oo meesha ka saaray awoodii kooxihii islaamiyiinta soomaaliya.

Gen Gabre ayaa loo heystaa inuu galay dembiyo ay ka mid yihiin dadkii ay Itoobiyaanka ku laayeen caasimadda Muqdisho.

Gen. Gabre ayaa ka mid noqday madaxda IGAD u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka ahaa shaqsiyaadka ku dhex milan dowladdda Soomaaliya ee sida weyn ay karaahsadeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaa si weyn loogu cambaareeyay sida diblomaasiyadda ka baxsaneyd ee uu Gabre u taageeray ololihii dib u doorashada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo keentay in dowladda Itoobiya ay xaqiiqsato inay bedesho ninkan oo laba weji oo IGAD iyo Itoobiyaan ah ku shaqeyn jiray.

Dowladda Soomaaliya si rasmi ah warkan uma cadeynin

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 15 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented