allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAAWO SAWIRADA:Shil Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada

Shil Gaari oo geystay Khasaare dhaawacyo ah ayaa Maanta ka dhacay Wadada hor marta Saldhiga Booliska Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Gaari Homey ah oo ay la socdeen dad shacab ah.

2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay Shilka,Gaariga Cabdi Bilaha ah ayaa rogmaday kadib markii ay isku dheceen Gaariga kale ee Homeyda ah,Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuusan Darawalka waday Gaariga Homeyda ah lahayn aqoon iyo khubrad ku filan.

Shilalka inta badan ka dhaca Wadooyinka Magaalada ayaa waxaa loo aaneeyaa Wadayaasha Gaadiidka oo aan lahayn Aqoon buuxda oo ay ku kexeeyaan Gaadiidka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 15 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented