allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAAWO SAWIRADA Maalin kadib markii qalqal la geliyay amaanka Magaalada Muqdisho Ciidamada Soomaaliya oo feejignaan sare la geliyay

Kadib markii maalintii shalay la gelgeliyay xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxay bilaabeen inay gaaf wareegan bartamaha iyo xareeraha waddooyinka Caasimadda iyagoo baaraya gaadiidka dadweynaha iyo dadka lugeynaya wadada ee laga shakiya.

Weerarkii xalay lagu qaaday maaayadaha Pizza House iyo Posh Treat ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu dhashay bisha Ramadaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo muddooyinkii u dambeeyay soo hagaagayay ayaa weerarkii xalay waxaa uu wax ka bedelayaa dareenkii ay dadka qabeen.

Al-Shabaab ayaa mar kasta bartilmaameedsada maqaayadaha iyo hotelada ku yaalla Muqdisho oo noqday kuwo u nugul dhibaatada ay u geystaan ee ka soo gaara bur burka hantiyadeed.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 15 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented