PUNTLAND oo bilawday inay lugaha ka qabato nidaamka dowladnimo,Waxay tiri Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya waxay ku quseysaa Koonfurta Soomaaliya, Aqriso War saxaafadeed

0
19

Wasaaradda waxbarashadda Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hortimid manhajka waxbarasho oo ay soo diyaarisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo horyaal gollaha wasiiradda xukuumadda Ra’isul Wasaare khayre.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Yuusuf Aw-ciise oo Shir jaraa’’id maanta ku qabtay  Garoowe ayuu sheegay in manhajkaasi uu gaar u yahay goboladda Koonfurteed ee dalka iyo caasimadda, uusana khusayn Puntland.

“Waxbarashadu waa Awoodaha Dawlahada xubinta ka ah Dawladda federaalka (State jurisdiction), sababtoo ah waxaa Dastuurka lagu qeexay awoodaha ay Dawladda Federaalku gaarka la tahay sida: Arrimaha Dibadda, Difaaca, Lacagta iyo Jinsiyadda iyo Socdaalka, wixii kasoo haray ee awoodo ah waa in laga wada hadlo sida ku cad Qodobka 54aad ee Dastuurka federaalka” ayuu yiri Wasiirku, wuxuuna sii raaciyay

“Puntland waxay leedahay Manhaj Waxbarasho oo gaamuray, laguna dhaqmayay muddo gaaraysa 15 sano, laga soo bilaabo 2003 ilaa iyo maanta, waxaa la dhammaystiray dhammaan muqarrarkii Dugisiyada Hoose/Dhexe iyo Sareba iyo Manhajka Waxbarashada dadban iyo tan farsamada” ayuu yiri Wasiirku

Wuxuu sheegay in wasaaradu ay diyaarisay qalfoofkii manhajka Puntland oo qeexaya dhammaan maadooyinka ardaygu qaadanayo iyo saacadaha loogu talagalay, waxaa kaloo uu sheegay inay manhajkooda uu ku jiro maadooyinka maamul wanaaga iyo Tarbiyad wadddaniga ah (Civic Educatio) oo lagu barto dugsiyada sare

“Waxay arrintaani tilmaamaysa in Puntland ay ka horrayso Soomaaliya inteeda kale, waxayna ardaydu imtixaan ku galayeen Manhajka muddo ku dhow 15 sano” ayuu yiri Wasiirku

Gabagabadii, Wasaaradda waxbarshada waxay tilmaamtay in ay deg deg tahay in laga hadlo manhaj qaran iyadoo arrimihii siyaasiga ah oo dhan aan weli la taaban, waxayna soo jeedisay in wadatashi wax walba lagu dhameeyo.