allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

XILDHIBAANADA HOREUSOCOD oo si cajiib ah uga hadlay dhismaha kooxdooda isla markaana xeelad siyaasadeed adeegsadan,Sawirada

Xildhibaanada Madasha la baxay HOREUSOCOD ayaa shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo shaaciyay ujeedka loo aasaasay kadib maalmo warar kala duwan ka soo baxayan dhismaha kooxdan in kastoo qaabkii ay saxaafadda ula hadleen maanta u muuqday oo keliya farsamo siyaasadeed balse ay weli jiraan ujeedooyin qarsoon.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Xildhibaanada ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn yahay in dalku ka gudbo qaabka awood qeybsiga ku dhisan 4.5 oo beelo badan dulmi ku ah, waxayna beeniyeen inay mucaarad ku yihiin dowladda Federaalka iyo inay wadaan mooshin.

Guddoomiya madasha Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay in la helo isla xiosaabtan dhab ah oo wixii wanaagsan lagu taageero dowladda, wixii khaldamana lagu saxo
Wuxuu intaas ku daray inaysan waxba ka jirin wararka suuqa loo geliyay ee ah inay mucaarad ku yihiin dowladda, isagoo meesha ka saaray inay wadaan Mooshin.

Waxaana shirka jaraa’id ka hadlay xildhibaano dhowr ah oo markii ugu horeysay madasham fadhigeeda u soo wareejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu dhisay Nairobi.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented