allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MUQDISHO:Beelaha Dega Magaalada Muqdisho oo maanta si weyn u taageeri doona Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir

Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa ka dhaceysa Hotelka City Palace ee degmada C/casiis, iyadoo munaasabadan ay tahay tii ugu horeysay ee lagu taageerayo Guddoomiyaha.

Qaban qaabada munaasabada ayaa tan iyo shalay laga dareemayay magaalada Muqdisho, kaasoo ay hor-boodayaan Beelaha Muddulood, waxaana lagu wadaa inay maanta ka qeyb galaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, nabadoon iyo ururada bulshada rayidka.

Ilo ku dhow dhow qaban qaabiyeyaasha munaasabadan ayaa sheegaya in taageero iyo kalsooni loogu muujin doono Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo bishii hore xilka loo magacaabay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay wajahayay mowjado siyaasadeed oo uga imaanayay beelaha qaar ee dega Muqdisho, kuwaasoo saluugsan qaabkii lagu magacaabay, iyadoo munaasabado looga hadlayay maqaamka Muqdisho iyo sidii Gobolka Banaadir u heli laheyd xuquuqdeeda ay ka dhacayeen magaalada.

Lama oga munaasabada taageerada ee maanta loogu muujinayo Guddoomiyaha waxa ay ka bedeli doono, kulamada siyaasadeysan ee maalmahan ka dhacayay Muqdisho, kaasoo ay hoggaaminayeen waxgarad iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented