allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Fulisay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Khamiis ah waxay xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan, kaasi oo ku eedeysnaa inuu waday gaarigii 27, November 2016 ku qarxay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

C/qaadir ayaa lagu toogtay xarunta tababarka ee ciidanka Booliiska Jeneraal Kaahiya, waxaana halkaasi ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiil ciidan, isaga oo horey maxkamaddu dil toogasho ah ugu xukuntay.

Qaraxii ka dhacay suuqa Beerta ee degmada Waaberi waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo shacab ah una badan dad halkaasi ka dukaameysanayey, shacab wadada marayey iyo sidoo kale ganacsato.

Ciidamada amniga ayaa isla maalinkaasi qabtay C/qaadir, hase ahaatee waxaa la sheegay in goobta uu ka baxsaday shaqsigii kale ee qarxiyey gaariga.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidan oo kale dil ugu fulisay rag ka tirsanaa Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsanaa dowladda oo dilal geystay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented