allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ciidamada Gadoodsan ee la wareegay Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka carooday hadalkii Farmaajo

Ciidamo ka tirsan Milateiga Soomaaliya oo gadoodsan ayaa la wareegay xarunta Wasaaradda Gaashaadhigga ayaa la sheegay inay ka caroodeen hadal ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa maanta qabsaday xarunta wasaaradda gaashaandhigga magaalada Muqdisho, waxayna xireen wadadda warshadaha ilaa isgoyska Trebuunka, iyagoo diiday wax dhaqaaq ah.

Warar ku dhowdhow ciidamada gadoodsan oo ka baxay saldhigyada Muqdisho ee ciidamada xoogga ayaa la sheegay inay ka caroodeen khudbad uu jeediyay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo 15-kii May, taasoo uu ku sheegay in dowladdu bixisay mushaarkii ciidamada iyo shaqaalaha dowladda Janaayo ilaa April.
Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa ku xayiran saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana weli socda dadaal lagu doonayo in lagu qanciyo ciidamada gadoodsan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on May 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented