allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ganacsaatada qaadka oo maalinta labaad ka soo dejisay qaadka Muqdisho magaalada Jowhar

Ganacsatada qaadka ka keenta dalka Kenya ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay markale ka soo dejiyeen qaad garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Gaadiidka u sida qaad magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu arkay iyagoo dhex maraya magaalada Jowhar kadib markii ay ganacsatada qaadka ay bilaabeen inay ka soo dejistaan qaadka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Mid kamid ah ganacsatada qaadka ayaa  sheegay in adeeg wanaagsan iyo soo dhoweynba ay ka heleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe ayna u mahadcelinayaan.

Ganacsatada qaadka ayaa u soo wareejiyay ka soo dejinta qaadka ay ka soo dejinayeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho magaalada Jowha kadib markii ay sheegeen in canshuur badan ay ku soo rogtay dowlada federalka Soomaaliya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented