allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SHIRKADDA HORN CONNECT oo la wareegtay howshii Saxaafadda Madax banaan ka soo qaban jireen Villa Soomaaliya, Xiriirka Farmaajo iyo Media-ha oo sii xumaanaya

Xiriirka ka dhaxeeya Saxaafadda Madax banaan iyo Villa Soomaaliyaa ayaa ku sii socda meel mugdi ah kadib markii qeybta Media-ha ee Madaxtooyada Soomaaliya la wareegtay Shirkad la yiraahdo Horn Connect oo uu leeyahay nin ay qaraabo yihiin Fahad Yaasiin Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Horn connect oo ah shirkad warbaahin oo uu leeyahay nin ay qarabao yihiin Fahad Yaasiin oo ah Maskaxda ka dambeysa Villa Soomaaliya ayaa qandaraas ku qaadatay inay duubto muuqaalada Villa Somalia, iyadoo hab casri ah u habeyneysa waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale waxaa muddo shaki ka dhex jiray Madaxweynaha iyo Kooxdii Villa Somalia u qaabilsaneyd Warbaahinta, kuwaasoo Madaxweynaha ku dhaliilay in aanay Qaran u shaqeyneyn oo ay qabiil u shaqeeyaan, kaddib markii muuqaalo si qaldan uga baxeen Madaxweynaha.

Dhibaatada ka dhex taagan Villa Soomaaliya iyo Warbaahinta Madax banaan ayaa ah markii Villa da go’aansatay in wax kasta oo Madaxweynaha ku saabsan iyadoo duuban Media loo keeni doono taas oo Saxaafadda u aragta madab takoor iyo meel ku dhac shaqadooda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhowaanahan ka fikireysay inay hesho Wariye u gaar ah Madaxweynaha, kaasoo xogta Madaxtooyada la wadaagi doona warbaahinta kala duwan.

Tallaabadan ayaa waxaa qaaday Agaasinka cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed, kaasoo is bedel ku sameeyay Warfaafintii Madaxtooyada, isagoo ku soo kordiyay shaqsiyaad dhiig cusub ah.

Cali Baashi C/llaahi Cabdi oo muddo ka shaqeynayay Warbaahinta Gaarka loo leeyahay ayaa loo qaatay inuu noqdo Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Cali Baashi C/llaahi Cabdi Ka hor inta aan loo magacaabin Wariyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ahaa Madaxa Guud ee Wararaka TV Universal oo ka mid ah talafashinada gaarka loo leeyahay ee ugu afka dheer Soomaaliya, waxaana uu wax ka bartay Jaamacadda SIMAD.

Sidoo kale Warfaafinta Madaxtooyada ayaa qaadatay Sawir qaadayaal iyo farsama yaqaano Filimada ay soo saarto Madaxtooyada, waxaana meesha laga wada saaray dadkii horay uga shaqeynayay arrintan.

Waxaa kaloo la hadal hayaa ayaa ah in wixii hada ka dambeeya aanay Warbaahinta madaxa banaan awood u lahaan doonin wararka ay toos uga soo qaataan Madaxtooyada, waxaa taa bedelkeed ay heli doonaan muuqaalo lagu siiyo Flash Disk oo ay duubaan Camera Man ama Sawir qaadayaasha ka shaqeeya Madaxtooyada, waxaana la ogeyn sida ay u aqbali doonaan Warbaahinta Maxalliga ah.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 20 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented