allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SAFIIRKA MAREYKANKA oo Garoonka Muqdisho ugu yeeray Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre,Dowladda Farmaajo oo weli haysa raadkii Dowladdii Xasan Sheekh

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ugu yeeray garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Safiirka Mareykanka oo saldhigiisu yahay degaanka sida weyn loo ilaaliyo ee Xalane ayaa inta badan Madaxda Soomaalida ku qaabila garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la islahaa dowladda cusub ee Farmaajo dhaqankaas waa ay bedelaysa hase yeeshe waxay weli haysaa raadkii dowladihii iyada ka horeeyay.

Stephen Schwartz ayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kala hadlay horumarka laga gaaray qorshaha ammaanka Soomaaliya iyo xaaladda gurmadka abaaraha.

Mareykanka ayaa taageeraya guddiga amniga qaranka oo ka kooban Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, guddigan ayaa lagu dhisi doono shirka soomaalida ee Magaalada London bisha soo socota.

Madaxda Mareykanka oo uu ka mid yahay safiirka ayaan soo dhaafin Garoonka, waxaana madaxda Soomaalida ay ku qasban yihiin inay tagaan garoonka diyaaradaha si ay u qaabilaan saraakiisha Mareykanka.

Kulanka Safiirka Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa ku soo aaday xilli Mareykanka soomaaliya u diray Ciidamo la dagaalamaya shabaabka oo gacan siinaya kuwa midowga afrima iyo kuwa soomaalida.

Sidoo kale Mareykanka waxaa uu si gaar ah u maamulaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashan kuwaas oo ka amar qaata oo keliya Mareykanka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented