allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

RA’IISAL WASAARE XASAN KHEYRE oo Safiirka Imaaraadka Carabta kala shaqeynaya kala daadinta Xildhibaanada ka hor inta uusan Baarlamaanka fasax gelin dhamaadka bishan, Prof Jawaari oo qaab farsameysan uga baxsaday maanta Xubnaha Baarlamaanka

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo awalba arrimaha shidaalka ku lug lahaa ka hor inta aan loo magacabin Xafiiska ayaa warar soo baxaya waxay sheegayan inuu haatan Imaaraadka Carabta kala heshiiyay arrinta ku saabsan saldhiga imaaraadka carabta ee magaalada Berbera iyo heshiisyada Imaaraadka Carabta ee Dekedaha Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay lacag ka qaatay Imaaraadka Carabta taasina uu kala siman yahay Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshinkii laga keenay Saldhigga Milatari ee Imaaraadka uu ka dhisanayo Berbera ku wareejiyay Xukumadda federaalka Soomaaliya ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulan ayaa maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayay xildhibaanadu ku sheegeen in ay muhiim tahay in la qaado tilaabo walbe oo looga hortagaayo Saldhigga Imaaraadka Carabta, waxaana Xukuumadda Soomaaliya laga laga sugaaya in ay jawaab cad in ay ka geyso waxa ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Haddaba arrinta cusub ee uu Baarlamaanka Soomaaliya kusoo kordhiyey heshiiska Saldhigga Berbera ayaa noqoneyso mid shaki weyn keeni karto taasoo dhabar jab weyn ku noqoneyso Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa sameystay team Xildhibaano ah oo kala furfura mooshinkaas ka hor inta aan baarlamaanka fasax gelin, sidoo kale kooxdaas Xildhibaanada ayaa la siiyay qarashka ay ku howlgalayan.

Prof Jawaari ayaa markii maanta Xubnaha Baarlamaanka arrinta mooshinka wax ka weydiiyan waxaa uu yiri Xukuumadda u yeerayna si ay faahfaahin ugu bixiso arrimaha Berbera.

Bilowgii heshiiska ay galeen dowladda Imaaraadka iyo Maamulka Somaliland waxaa dowldda Soomaaliya u muuqatay mid aan ku qanacsaneyn iyadoo ay socdeen dadaalo lagu doonayey in lagu kansalo heshiiskaas, balse hadda sheekada waxay lasoo baxday Waji cusub oo aan la fileyn.

Dadka u dhuun daloolo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in dowladda Imaaraadka Carabtay ay Dowladda Soomaaliya ku qancisay heshiisyada ay la galeyso Maamul Goboleedyada, midaasna waxay keentay inay dowladda si hoose uga baxdo arrimahaan.

Khatarta ka dhallan karto heshiiska Berbera ayaa ah inay Xuutiyiinta Yeman kusoo biiraan dagaalka ka socdo Soomaaliya, taasoo noqneyso qatar cusub oo soo wajaheyso Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalana Madaxda Xuutiyiinta waxay ku hanjabeyn inay soo duqeyn doonaan Magaalada Berbera haddii halkaas Imaaraadka Saldhig ka sameysto maadaama ay ku faaneyn inay heystaan Gantaalo awood u leh inay soo gaaraan Magaalada Berbera.
Haatan Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxaa uu ku mashquulsan yahay inuu kala daadiyo Xildhibaanada isla markaana arrintan uu kala shaqeynayo Safiirka Imaaraadka Carabta Soomaaliya kaas oo ka mid ah Safiirada awooda badan ee Muqdisho ku sugan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented