allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MAXAA DHACAY MARKII Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre Xeebta Liido iskula sawirayay Qurba joog iyo dhalinyaro kubad Cayaaraysay, Qadadii Beachview darteed waxaa la xiray waddooyinka, dadkii Kuleel daran oo jira awgeeda ayay Gaadiid la’aan lugeynayan, Sawirada

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta damaashaad iyo inuu sawiro ku soo galo u tagay xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho,waxaana la socday Wasiirka amniga Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Ciidamo ayaa xiray waddooyinka soo gala xeebta Liido, xilli kuleel daran ka jiray Magaalada, waxaana loo diiday gaadiidka dadweynaha inay galaan Liido, keliya dadkii meesha loogu tagay ayaa loo ogolaa inay dhaqdhaqaaqan.

Intii Ra’iisal Wasaaraha joogay Xeebta Liido waxaa uu sawiro la galay dhalinyaro kubad ku cayaaraysay xeebta iyo Qurba joog Soomaaliyed.

Waxaa la yaab lahayd xilli dalka abaar daran ka jirta, daacuunka meeshii ugu xumeyd marayo ayuu Ra’iisal wasaarihii dalka oo looga fadhiyay inuu siu adag u shaqeeyo waxaa uu ka bixi waayay damaashaad iyo sawiro lala galo dad dherag darteed xeebta liida u tagay.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha xeebta Liido ayaa waxay saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo gaadiid ee degaankaas, waxaana la arkayay Ciidamada ilaalinaya Ra’iisal wasaaraha oo dadka si adag ula dhaqmaya.

Waxaa la xiray laga soo bilaabo Villa Soomaaliya oo Ra’iisal Wasaaraha ka soo baxay ilaa iyo Liida, Baar Fait, agagaarka Dekeddii hore ee Muqdisho iyo nawaaxiga Isgoyska Mariina ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnihii la socday waxay ka cunteeyan¬†Beachview

Laakiin Warbaahinta dowladda iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa socdaalka Liido ku tilmaaman inuu ahaa mid nabadeed oo damaashaad lala qaadanayay dadweynaha sidoo kale waxay ku sheegeen is dhexgal bulsho.

Ka soo qaad is dhexgalka bulshada waxay ahayd inay ku habooneyd is dhexgalka bulshada kuwa nolosha hoose oo u baahan taageero halkii laga wajahi lahaa dad dherag Liido la jiifan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented