allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Maraykanka oo 5 kun oo Soomaali ah Masaafurinaya

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 5 kun oo Soomaali ah laga masaafurin doono Maraykanka,Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta arrimaha  socdaalka iyo kastamka ayaa  sheegay laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa.

Afhayeenka ayaa sheegay in isla wakhtigaasi 237 qof oo Soomaali ah dib loogu celiyay Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay ICE ayaa xaqiijinaya macluumaad uu horey u sheegay safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad oo isagu sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay’addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo imika ku nool Maraykanka.

Afhayeenka ICE ayaa sheegay in dadkan intooda badan ay danbiyo galeen, isla markaana ay ICE sii wadayso inay diirada saarto shaqsiyaadka halista ku ah amniga qaranka, badbaadada shacabka iyo waliba amniga xuduudaha.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented