allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO IYO XASAN KHEYRE oo Taabid Cabdi u adeegsanaya burburinta awooda siyaasadeed ee Beesha Mudullood ku leedahay Gobolka Banaadir, Waa Maxay qorshahaas?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa qorsheynaya inuu dhawaan xilalka ka qaado dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaas oo la soo shaqeeyay Maamulkii isaga ka horeeyay ee Yusuf Jimcaale, xilli Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha damacsan yihiin in Taariikh cusub u dhigaan Maamulka Gobolka isla markaana meesha ay ka saaran waxaa la yiraahdo beesha Mudullood ayaa xaq u leh inta badan maamulka Degmooyinka Gobolka iyo midka Gobolka.

Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa fulinaya qorshayaal ay soo diyaariyan 5 Golaha Sare oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo, Fahad Yaasiin Lataliyaha Madaxweynaha iyo C/shakuur Mire.

Qorshaha ayaa dhigaya in Guddoomiyaasha Degmooyinka laga dhigo ama ay ka muuqdan liisaska xubno ka socda beelaha kale ee Soomaaliya, waxaana meesha laga saaray awoodiisa Beesha Taabid ku lahayd Gobolka oo inta badan degmooyinka Gobolka iyaga maamulu jireen.

Isagoo ka hadlayay waa Taabid Cabdi Maxamed Xafladii xilka kula wareegayay ayuu si cad u sheegay inuu doonayo in magaalada muqdisho ka dhigo magaaladii la wada yaqiinay ee Soomaali weyn ka dhaxeysay isla markaana meesha ka saarayo maamulka halka dhinac u badan.

Waxaa jira suuragalnimada ah in kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir lagu soo daro shaqsiyaad ka soo jeeda beelaha haatan ka kooban Maamulka.

Waxaa kaloo jira Qorshe lagu dhisayo Gole degaan oo beesha Madaxweynaha Mareexan laga siinayo 5 Xubnood halka Digil iyo Mirifle laga siin doono 6 Xubnood, Isaaq ayaa laga siin doona 2 xubnood halka inta kale ay kala qeybsan doonaan beelaha Hawiye.

Isbedelada noocaas ah ayaa waxay dhabar jab ku noqonaysa beesha Taabid Cabdi Maxamed oo inta badan maamulka Gobolka Banaadir gacanta ugu jira.

Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Kheyre ayaa waxay Taabid u adeegsanayan inay ku burburiyaan awooda beesha Mudullood ee Gobolka Banaadir taas oo haddii ay dhacdo halis gelinaysa mustaqbalka dambe Siyaasadda Taabid maadama uu yahay nin dhalinyaro ah oo meesha hadda taagan yahay meel ka sii sareysa damac kaga jira.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented