allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Guddi ka qeyb gala Wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka qeyb qaata wada hadalada ay yeelanayaan Ahlusuna iyo Galmudug
Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kulan la qaatay Hoggaamiyaha Ahlusuna Sheekh Shaakir ayaa ka wada hadlay arrimaha wada hadalada Galmudug, isagoo caddeeyay in dowladda ka go’an tahay in wada hadaladaas ay guuleystaan.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Hoggaamiyaha Ahlusuna oo maalin ka hor soo gaaray Muqdisho ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka wada hadalada, waxaana uu ugu baaqay Madaxda dowladda in aanay wada hadalada qeyb ka noqon Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay inay horay qeyb uga ahaayeen khilaafkii dowladdii hore kala dhaxeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha oo markii hore watay Xildhibaanada ay diidanaayeen Ahlusuna ayaa aqbalay in aan lagu soo dareyn wada hadalada.

Wada hadalada u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna ayaa maanta ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, waxaana socda qaban qaabada wada hadalada.

Doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa inay dhacdo 30-ka bishan, iyadoo Ahlusuna lagu soo biirin doono, marka la soo gaba gabeeyo wada hadalada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented