allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MOOSHINKII IMAARAADKA KA DHANKA AHAA Ma Farmaajo ayaa cagta mariyay, Mise Xasan Kheyre Dalaalay Mise Jawaari ayaa afka wax loo mariyay

Shaki ayaa laga qabaa halka uu ku dambeeyo mooshinkii ka dhanka ahaa Imaaraadka Carabta faragelinta ay ku haayan Soomaaliya iyo Saldhiga Ciidan ee Imaaraadka ka sameysanayan Magaalada Berbera ee Waqooyiga Soomaaliya (Maamulka Somaliland).
Markii Mooshankaas Xubnaha Baarlamaanka loo qeybiyay ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya soomaaliya si deg deg ah ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sh Cusmaan Jawaari.

Waxaa intaas xigtay Farmaajo oo si deg deg ah ku tagay Imaaraadka Carabta isla markaana isagoo qanacsan ku soo laabtay Muqdisho.

Dowladnimada ka jirta Soomaaliya ayaa ah mid lala barbar dhigi karo maafiyada adduunka habka ay uy dhaqmaan ama kuwa ka ganacsada Daroogada caalamiga ah ee dalka Colombia caanka ku ah, wax walbana miiska hoostiisa ayay ku sarafayaan madaxda soomaalida.

Farmaajo oo dadka Soomaaliyed isaga dhigayay inuu yahay wadani waxaa uu haatan qeyb ka yahay kooxaha macaash doonka ah ee Soomaaliya halka Xasan Kheyre awalba uu ahaa dalaal ka ganacsada Shidaalka kuna xirnaa dowladaha Norway,Ingiriiska iyo kenya.

Ilo diblomaasiyadda Soomaaliya ka tirsan waxay Newsomali.com u sheegayan in Mooshinkaas lagu bedeshay dhaqaale Imaaraadka Carabta bixiyan.
Soomaali waa Mashruuc ama Soomaali waa iib eriyadaas heeso ah oo uu sameeyay ninka hadda ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dib u xusuustay markan eego habka loo furfuray mooshinkii Imaaraadka Carabta.

Rajadii laga qabay in dalkan ka dhaco nidaam dowladnimo oo sax ah ayaa ceel ku dhacday, haatan madaxda dowladda halkii ay kaga mashquuli lahaayan wax u qabashada dadkooda iyo ka hortaga faragelinta Imaraadka carabta waxay ku mashquulsan yihiin sameynta macaash dhaqaale iyo inay kursiga kaga faa’ideystaan ganacsigooda.

Faarax Ugaas

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented