allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo socdaal ku jooga dalka Jabuuti, Daawo Sawirada

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa maanta booqasho rasmi ah oo socon doonta muddo 48 Saacadood ah ku tagay magaala madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti.

Madaxaweynaha Rwanda ayaa la sheegay inuu wada hadallo rasmi ah la yeelan doono dhigiisa dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle, iyadoo wada hadaladaasi la sheegay inay ka dhici doonaan Qasriga Madaxtooyada Jabuuti.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha iskaashiga, dhaqaalaha, Gamacsiga,iyo horumarinta Arrimaha Gobolka, waxayna gabagabada wada hadaladooda ka soo saari doonaan war murtiyeed ku saabsan qodobadii ay ku heshiyeen.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented