allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DOWLADDA SOOMAALIYA oo Fariin adag u dirtay Safaaradda Itoobiya iyo Safaaraha kale ee ku yaala gudaha Garoonka Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa amarkii ugu weynaa kasoo saartay safaaradaha ajanbiga ah ee degan Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Madaxtooyada.

Qoraal ay dowladda u kala dirtay safaaradaha degan labadaas xarumood ayaa lagu wargeliyay Safaaradaha degan Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada inay halkaasi ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxaa loo sheegay safaaradahaasi inay ku shaqeeyaan xarumahoodii hore ee ay dalka ku lahaayeen waqtigii hore, arrintan oo in muddo ah la sugayay ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah, waxayna saameyn ku yeelan doontaa safaaraddo fara badan.
Safaaradaha amarkan saameynta ku yeeshay ee ku dhex shaqeeya Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ugu weyn safaaradda UK iyo dalalka Midowga Yurub.

Safaaradaha ku dhex shaqeeya Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ugu weyn Safaarada Itoobiya oo dhex degan Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la arki doonaa sida wargelintan ay u fulin doonaan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented