allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

TAABID CABDI oo Beesha Wacbuudhan Abgaal ku qanciyay inuu Degmo ugu dhigi doono degaanka Garasbaaley

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa doonaya inuu degmo cusub u magacabo degaanka Garasbaaley oo ku yaalla duleedka Muqdisho loo aqoonsado Degmo buuxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Wax ka yar 48 saac oo uu xafiiska joogo ayuu Mr Taabid Cabdi Maxamed bilaabay inuu ku dhaqaaqo talaabo loo arko eex iyo ka fogaansho maamul wanaag.

Xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beeshiisa ayaa dib u soo nooleeyay olole lagu doonayo in degaanka Garasbaaley oo ku yaalla duleedka Muqdisho loo aqoonsado Degmo buuxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Arrintan ku fashilantay waxaana la isku deeyay in degaankan laga dhigo degmo hase yeeshe Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi ayaa waxaa uu doonaya inuu kaga faa’ideysto fursadan xiriirka uu la leeyahay Madaxweyne Farmaajo iyo abtigiisa Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.
Dowladii Xasan Sheekh ayaa dhibaato weyn kala kulantay degmonimada Kaxda oo sharci ahaan aan waafaqsaneyn dastuurka KMG ah, laakiin beesha degta degaankaasi ay meel marisay, waxaana la xusuustaa dhibaatadii kasoo wajahday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab.

Iyadoo xilligan ay madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha kasoo jeedaan beelo kale ayaa hadda laga yabaa in ololaha degmonimada Garasbaalley uu shaqeeyo, laakiiin waxaa hogaanka degmada cusub hore isugu qabsaday saddex beelood oo kala duwan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 17 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented