allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Oo Saxiixay Qorshaha Sugida Amniga Qaranka

Shirkii labadii maalmood aynu soo dhaafnay Magaalada Muqdisho uga socday Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayaa la soo gabagabeeyey , kaasi oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Madaxda ayaa marka hore isla meel dhigay arrimaha sugida amniga oo ay si wadajir u saxiixieen qorshaha qaran ee sugida amina dalka, waxaana isla meel dhigeen in si deg deg ah loo furo wadooyinka ay go’doomiyeen Alshabaab, si looga saaro go’doonka deegaanada qaar ee dalka.

Kulankan oo dadka Soomaaliyed u arkeen inuu yahay mid dib u soo nooleynayo madashii Qaranka isla markaana uu ka maqan yihiin Xasan Sheekh doorashada looga guuleystay iyo Cabdikariin Guuleed oo Galmudug iska casilay ayaa waxaa diirada lagu saaray Shirka London oo la sheegay in arrimaha Soomaaliya looga hadli doono iyadoo shirkaas loogu dhawaaqi doono Guddiga amniga qaranka oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Federaalka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Taliyaasha ciidamada.

Hadaba la soco qodobada laga soo saaray shirkan oo faahfaahsan

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 17 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented