allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

AMISOM oo Sharafta ka qaadan 3 Wasiir, Guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Afrika iyo Farmaajo oo soo farageliyay fadeexadan

Ciidamada Nabad ilaalinta ee jooga Soomaaliya ayaa markii labaad ku xagdudbay Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Wafdi ka socday xiriirka kubadda Cagta afrika oo hogaaminayay Guddoomiyaha xiriirkaas kuwaas oo barqadii maanta laga hor istaagay inay gudaha u galaan garoonka kubadda cagta ee Stadio muqdisho.

Wafdigan ayaa ka koobnaa wasiirada dhalinyaradda iyo Isboortiga, Wasiirka Gaashaandhigga iyo guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Afrika ee CAF Ahmed Mohamed oo maanta degay magaalada Muqdisho.

Ujeedka wafdiga ayaa ahaa inay soo indha-indheeyeen garoonka iyo xaaladiisa iyadoo marar badan loogu baaqay AMISOM inay ciidamadeeda kala baxdo si loo dayac tiro taasoo ay ballanqaadeen balse aan dhicin.

Ciidamada AMISOM ee Stadio Muqdisho ayaa diiday inay ogolaadaan wafdiga waxayna sheegeen inaysan heysan wax ogeysiin ah, taasoo keenay muran iyo jaha wareer xalkiisa lagu jiro.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo farageliyay fadeexad ka dhacay garoonka Kubadda cagta Stadio Muqdisho oo ciidamada AMISOM ay u diideen wafdi booqan laahaa.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay taliska AMISOM, isagoo amray in wafdiga loo ogolaado si degdeg ag inay galaan Garoonka, amarkaas oo wahadal kadib ay fuliyeen ciidamad AMISOM ee ku sugan Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho oo hore u hos istaagay wafdi ka kooban saddex wasiir iyo guddoomiyaha kubadda cagta Afrika oo kormeer ku sameyn lahaa garoonkaasi.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiija Maxamed Diiriye, Wasirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi oo uu wehliyo guddoomiyaha CAF Axmed Maxamed ayaa ciidamada AMISOM ay ka hor istaageen inay galaan garoonka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in wafdiga wasiirada iyo guddoomiyaha CAF hadda loo ogolaaday inay galaan Garoonka kubadda cagta ee Stadio Muqdisho. Dhinaca kale AMISOM ayaa u diiday saxaafadda inay gudaha u galaan garoonka.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Amisom u diidan inay gasho degaanka Xalane wasiir Maryan Qaasim.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 17 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented