allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MADAXDA DOWLADDA FEDERAALKA iyo Maamul Goboleedyada oo shir uga furmay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa furey shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Shirka waxaa goob joog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana inta uu socda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexe dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, xoojinta amniga.

Sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlayo waxaa ka mid ah shir dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska, kaasi oo ay dowladda qorsheyneyso inay la tegto ajende mid ah oo ka turjumaya xaaladda dalka.

Qaramada Midoobay iyo Dowladda Ingiriiska ayaa sabab u ah qabsoomida shirkan sida ay sheegayan wararka laga helayo Magaalada Muqdisho.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 15 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented