allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

TAABID ABDI Waa ninkii bixiyay Sirtii fariin qoraaleedka ee dhex martay Xasan Sheekh iyo Farax C/qaadir Mise ogtahay Qaylada Nuurto Sheekh…. Warbixin

Ka hor inta aan loo magacabin Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka waxaa uu buuq iyo khilaaf xun ka dhex dhaliyay Mr Taabid Cabdi Maxamed Qoyska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Sida ilo wareedyo muhiim ah u sheegay Newsomali Taabid Cabdi oo agaasime kuxigeen ka ahaa Madaxtooyada xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu si hoose u bixiyay sir ama fariin qoraal dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Faarax Sheekh C/qaadir.

Fariin qoraaleedkaas ayaa Xasan Sheekh oo markaas ahaa Madaxweynihii dalka iyo Faarax C/qaadir oo saaxiibo ahaayan wax badan ka dhaxeeyya xad iyo jeer is dhaafsanayan fariimo arrimaha siyaasadda dowladda iyo dalka looga hadlayay, maadama Taabid uu ahaa ninkii Mobelka Madaxweynaha gacanta ku haayay si fudud ayuu ku bixiyay farimahaas oo markii dambe meelo badan lagu daabacay.

Arrintaas waxay dhalisay buuq iyo qaylo maadama Xasan Sheekh sidoo kale ogaaday in Docomentiyo Sir ah oo Madaxtooyada yiilay inuu bixiyay Taabid Cabdi.
Is qabqabsi dhex maray Taabid Cabdi iyo Madaxweyne Sheekh kuna saabsanayd bixinta docomentiyada iyo fariin qoraaleed Mobelka Madaxweynaha laga bixiyay taasi waxay sababtay Xasan Sheekh inuu iska eriyo Taabid Cabdi maadama waalid u ahaa oo gabar Xasan Abti u ahaa qabay Taabid.

Nuurto Sheekh Maxamud oo ah gabadha ka weyn Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana ah hooyada dhashay xaaska Taabid Cabdi ayaa ka carootay xil ka qaadista lagu sameeyay wiilkeeda waxayna sababtay in Maalin walba shirkadda NGO yada iyo kuwa deeq bixiyaasha ku weerarto walaalkeeda iyadoo markaasi la safatay wiilka gabadheeda qabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhibsaday carada walaashiisa ayaa markii dambe Taabid Cabdi u magacabay Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya Mareykanka si uu qaylida iyo buuqa walaashiisa isaga dejiyo.

Sannadkii 2013-kii ilaa 2014-kii, waxa uu ahaa Sii-hayaha Agaasimha Madaxtooyadda iyo Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha iyo Maareynta Hawlgalladda ee Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Taabid Cabdi cadawtinimadii u qaaday abtigiisa Xasan Sheekh Maxamud kama hor istaagin magacabista Safiir kuxigeenka soomaaliya ee Mareykanka waxaa uu meeshiisa ka sii waday colaadii kala dhaxeysay Xasan oo ka dambeysay shaqo ka erintii Villa Soomaaliya waxaa uu raadiyay musharixiin jago madaxweyne u tartamaysa isagoo markii dambe ku xirmay ninka la aaminsan yahay inuu u shaqeeyo Sirdoonka Qadar Fahad Yaasiin kaas oo sabab u ahaa tiirka wada shaqeyn ee Farmaajo iyo Taabid Cabdi.

Maalintii 8 faberayo doorashada Madaxweynaha dhacday kulankii deg deg ahaa yeeshan Madaxweynaha guuleystay iyo midka laga guuleystay iyo Saraakiisha Amisom ayaa markii Farmaajo la weydiiyay cida ku wehelinaysa shirka waxaa uu dalbaday Taabid Cabdi taas oo la yaab ku noqotay Xasan Sheekh Maxamud.

Siyaasiyiin badan ayaa ku tilmaamay habka aan wanaagsanayd ee Taabid Cabdi ula dhaqmay Xasan Sheekh inay tahay labo wajiilnimo iyo munaafaqnimo weligeed dambe la isku aamini doonin, waxayna sheegan diblomaasiyiinta inuu abtigiisa dhabarka ka toogtay.

Farmaajo wuxuu isku deeyay Taabid Cabdi inuu u magacabo Agaasimaha Madaxtooyada balse dib ayuu uga laabtay, waxaana la raadiyay fursad Wasiir hase yeeshe 5 ta Golaha Sare nimanka lagu magacao oo ay ka mid yihiin Fahad, Farmaajo, Taabid Cabdi, C/shakuur iyo qof shanaad ayaa waxaa la go’aamiyay Taabid Cabdi in laga dhigo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa la raadiyay fursad beesha Wacbuundhan abgaal Wasiir loogu magacabo.

Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow ayaa noqday dhibanaha beeshiisa waxaana lagu khasaariyay jago Wasiir taasina waxay fursad ballaaran siisay magacabista Taabid Cabdi .

Teamka Madaxweyne Farmaajo waxay u arkaan Taabid Cabdi oo Gobolka u maamula fursada ugu wanaagsan ee ay ku hoos noolaan karaan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan intaba.

Gobolka Banaadir waa Gobolka keliya ee siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba maamusho Villa Soomaaliya sidaas darteed hadana waa Gobolka keliya ee wax saami ah ku lahayn aqalka sare ee dalka
.
Si kastaba maalinta sabtida ayaa lagu wadaa Taabid Cabdi inuu xilka Maamulka Gobolka Banaadir kala wareego Yuusuf Jimcaale.

Marka uu xilka la wareego waxaa la magacabaya kuxigeenada Gobolka kuwaas oo dhamaantood ka amar qaadanaya Taabid Cabdi.

Dhaqaalaha Garoonka, Dekedda iyo ganacsiga magaalada ka imaanaya ayaa la filayaa in Taabid Cabdi ku yeesho awood ballaran.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 13 2017. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented